Waxaa la aqristay: 172 Jeer.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo sheegay in la ciidameynayo Ardayda dhameysatay Jaamacadaha Dalka
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Wasiirka Gaadhaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in tababar loo qaadayo Ardayda Soomaaliyeed ee dhameysatay Jaamacadaha Dalka si looga dhigayo ama tababar loogu siiyo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno.
Waxa uu sheegay Wasiirku in Ardaydaas Tababar loogu qaadayo Dalka dibadiisa, isagoo Carabka ku dhuftay Dalalka tababarka loogu qaadayo Dalka Turkiga.
Wasiirka Difaaca Dowladda Soomaaliya Mr. Fiqi waxa uu sidoo kale sheegay in Ardaydu ay wax badan ka qaban karaan Xalladda Wadanka Soomaaliya, maadaama ay yihiin dad wax soo bartay sida uu hadalka u dhigay.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ma uusan xusin in Ardyadaas tababarka loo qaadato ay ku jiraan haween balse waxa uu carrabaabay in loo tababari doono Ardayda dhameysatay Jaamacadaha Dalka Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno.
Hadalka Wasiirka Difaaca Dalka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan uu Safar ku tagay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga halkaas oo uu kulan kula soo qaatay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalkaasi.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
