1: Saturday, December 8, 2012 - 07:46:25
2: 300 Jeer.

Sunderland v Chelsea: (muhiimada kulankan)

Waxaa Qoray:


Iyado si fudud ku lumisay hogaanki horyaalka ayaa hadana kooxda reer London ee Chelsea waxaa ay galabta usafri doontaa kooxda uu hogaamiyo Martin O’Neill ee Sunderland.

Muhimada ciyaartan

Taariikhda ciyaarta: Sabti, December 8

Kooxaha ciyaari doona waa : Sunderland v Chelsea

Garoonka: Stadium of Light

Saacada geeska Afrika: 6:00

Sunderland (sida macquulka ah, 4-4-2): Mignolet; Bardsley, Cuellar, O’Shea, Rose; Larsson, Gardner, McClean, Johnson; Sessegnon, Fletcher.

Waxaa ka maqan: Brown, iyo Cattermole oo labaduba dhaawac ah.

Waxaa tijaabo lagu sameyn doonaa: O’Shea iyo Fletcher oo xanuuno fud fud qaba

Chelsea (sida macquulka ah, 4-2-3-1): Cech; Azpilicueta, Ivanovic, Cahill, Cole; Ramires, Oscar; Hazard, Mata, Lampard; Torres.

Waxaa ka maqan: Mikel (ganaax), Sturridge iyo Terry oo dhaawac ah

Garsoore: Mark Halsey (waa ciyaartiisii 7 aad ee sanadkaan)

Tababare Rafael Benítez ayaa raadinaya guushii ugu horeysay ee horyaalka wadanka Ingriiska

Chelsea ayaa wax guul ah gaari weysay todobadii kulan ee ugu dambeysay horyaalka waana bilawgii ugu xumaa mudo 17 sano ah .

Labadan koox ayaa galabta kulmi doonaa markii 115 aad tartamada oo dhan waxaana markii ugu horeysay ay kulmeen 2-dii November 1908 –dii markaas oo ay Sunderland ku adkaatay 3-0.

Laakin waqtigaan la joogo Chelsea ayaa ka badis badan Sundderland waxaana ay Chelsea adkaatay 54 ciyaarood halka laga adkaaday 39 kulan waxaana ay isku garab dhaceen 21 kulan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale