1: Wednesday, December 5, 2012 - 01:39:28
2: 267 Jeer.

Madrid oo xaaqday Ajax, Olympiakos oo garaacday Arsenal iyo Man City oo ka hartay gabi ahaan Tartamada Yurub

Waxaa Qoray:


Kooxda Manchester City ayaa ka hartay gabi ahaanba tartamada Qaarada Yurub sida Championka iyo waliba European League Cup-ka oo ay usoo bixi lahayd hadii ay xitaa barbaro gali lahayd.

Si kastaba ha ahaatee Reborto Mancini iyo wiilashiisa ayaa ceeb iyo waji gabax kala dheelmaday dhamaan kulamada Championka iyagoo xitaa hal mar guul aysan arkin 6 -dii kulan ee guruub D-da ay safteen markii caawa markale guuldaro ay kala kulmeen kooxda laga yaaban yahay sannadkaan ee Borussia Dortmund.

Kooxda Dortmund oo aruursatay dhibcaha ugu sareeya ee Guruubkeeda D-da ayaa hal iyo eber ku qaarijisay kooxda dhaqaalaha badan ku baxay ee City waxayna kusamir siisay gool uu saxiixay J. Schieber.

Kulankii kale: Real Madrid ayaa 4 – 1 ku qaarijisay kooxda Ajax, iyadoo goolasha ay kala dhaliyeen Ronaldo, J.M. Callejon oo laba gool dhaliyey iyo Kaka.

Guruubkaan ayaa kaalinta koowaad kusoo baxday Borussia Dortmund oo uruursatay 14 – dhibcood, halka Real Madrid 11 ay ka heshay guruubkaan, Ajax ay heshay 4 dhibic, City ayaa 3 dhibcood ama barbaro gashay.

Dortmund iyo Madrid ayaa sii wadan doona inaay ka qeyb galaan Championka halka Ajax ay ka ciyaari doonto kulamada European League-ha, Man City ayaa iyada ka hartay tartamada Qaarada Yurub marka laga reebo tartamada wadankeeda Ingiriiska.

Guruubka A-da Paris S. G ayaa xaqiijisatay inaay kaalinta koowaad ku hogaamiso guruubkaan markay iska reebtay kooxda kusoo xigta ee Porto, waxayna caawa kaga adkaatay 2 – 1. Goolasha ayaa kala dhaliyey Silva iyo Lavezzi.

Kulankii kale oo xiiso badnaa ayaa fooda waxaa is daray Dinamo Zagreb iyo Dynamo Kyiv, kulanka ka sokoow ayaa waxaa garoonka lagu ciyaarayey ee cagaarka ahaa wada cadeeyey baraf aad u baaxad weyn, hase yeeshee gool ay ku hormartay kooxda lahayd garoonka ee Zagreb ayaa rigoore lagu barbareeyey taasoo dishay rajadii Zagreb ee ay ugu soo gudbi lahayd European League-ha.

PSG iyo Porto ayaa kala leh 15 iyo 13 waxayna sii wadan doonaan tartanka Championka, halka Dynamo Kyiv ay ka ciyaari doonto European League-ha, Zagreb ayaa iyada ka hartay tartamada labada qeybood.

Champions League – Group B Schalke iyo Arsenal ayaa usoo baxay tartanka Championka waxayna aadi doonaan qeybta 16-ka ee laba jeer is aragga halka Olympiakos ay ka qeyb gali doonto European Champinka.

Arsenal oo gool la hormartay ayaa la barbareeyey oo loo labeeyey, Schalke iyo Montpellier ayaa 1 – 1 ku kala baxay.

Champions League – Group C AC Milano ayaa mar kale lagu garaacay garoonkeeda San Siro ee magaalada Milano markii 0 – 1 ay ku qaarijisay kooxda Zenit oo rajo ka qabtay inaay gaarto European Champoinka oo ay baahi u qabto.

Kooxda Zenti waloow ay badisay hadana waxaa caro garoonka kala soo baxay Hulk oo qiimo badan ugu fadhiya kooxda Zenit kaasoo ka carooday badal uu kusameeyey tababarihiisa Spalleti.

kulankii kale ayaa lagu kala baxay Malaga 2 – 2 Anderlecht. Malaga oo leh 12 iyo Milan oo 8 uruusatay ayaa 16-ka Championka ugudbay, Zenit ayaa ka qeyb gali doonta Europeanka halka Anderlecht ay ka nasan doonto tartamada yurub.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale