HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


91 views

Taariikhda iyo Hordhaca kulan adag ee caawa dhex maraya Roma vs Juventus

Waxaa Qoray:


Wey faraxsan yihiin kadib markii ay soo xasuuqeen kooxda Celtic ,laakin caawa ayey hortaal shaqo adag kooxda Juventus marka ay umartiyeen AS Roma.

 

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka: Serie A

Kooxaha: AS Roma vs Juventus

Garoonka : Olimpico — Roma

Garsooraha ciyaarta: Gianluca Rocchi

Saacada Geeska Afrika: caawa 10:45.
AS Roma

Waxaa ka maqan : Leonardo Castan, Federico Balzaretti iyo Mattia Destro

Juventus

Majiraan wax dhaawacyo ah .

Waxaa ganaax uga maqan : Federico Peluso iyo Claudio Marchisio

Waxaa usoo laabtay Leonardo Bonucci oo ganaax ka yimid .

 

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
ROMA: Stekelenburg,Marquinhos, Burdisso, Dodo,Lamela, Bradley, De Rossi, Marquinho.Pjanic, Totti,Osvaldo
JUVENTUS:-Buffon,Barzagli, Bonucci, Caceres ,Lichtsteiner, Vidal, Pirlo, Pogba, Asamoah, Vucinic, Matri.

 

 

Xusuus kooban

 

AS Roma ayaa raadineysa guusheedii koowaad ee sanadkaan cusub

Waa labo ka mid ah 4-ta koox ee ugu waa weyn Italy

Waxey markii ugu horeysay kulmeen 14-kii November 1926-dii ,ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Talyaaniga oo ku dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay Juventus .

Kooxda marwada duqda ah ayaa booqatay garoonka Olimpico 81 jeer ,waxaana ay ku soo adkaatay 26 jeer ,iyadoo qasaaro kala soo kulantay 28 kulan waxaana ay bar bar dhac ku heshay 27 kulan.

Dhamaan tartamada labadaan koox ayaa kulmay 165 jeer waxaana kooxda Juventus ay adkaatay 79 kulan halka AS Roma ay badisay 38 kulan waxaana ay bar bar dhac noqdeen 48 kulan .

 

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

1 Comment for “Taariikhda iyo Hordhaca kulan adag ee caawa dhex maraya Roma vs Juventus”

  1. khadar wali

    haddii aan cabiro odhaahday ama aan saadaaliyo ciyaarta ROMA 0-3 JUVENTUS vidal pogba vucinic

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

¨ /iframe
Log in | Designed by Jimcale