Adres Iniesta “Muhiimadeenu waa kulanka AC Milan “
Waxaa Qoray: raafac

Laacibka kooxda Barcelona Adres Iniesta ayaa sheegay in muhiimada kooxdiisa ay tahay in ay adkaato kulanka AC Milan uuna yahay midkii ugu muhiimsan kooxdiisa marka la eego sanadahan oo dhan .
Iniesta waxaa uu sheegay in Bulgarana aaney isku mashquulin doonin guul daradii qaraareed ee ka soo gaartay kooxda Real Madrid habeenkii Talaadada ayna qalbigooda ku xiri doonaan ciyaarta AC Milan.
“Waxba uma arki doono wixii dhacay ,Madrid ayey uqorneyd in ay gaarto final-ka ,marar badan waan garacnay dood yeysan noqon maxaa ku dhacay Barcelona ,laakin waa in aan ka fakarnaa waxa noo xiga .
“Ani ma qabo in Barcelona ay waqti badan ku bixin doonto kulanka sabtida ee Real Madrid,waxaan nooga muhiimsasn kulan AC Milan
“Milan si fiican ayey uciyaartay kulankii San siro laakiin uma maleynaayo in ay sidaas uciyaari doonaan kulanka Camp Nou ayuu yiri Adres Iniesta.




Waa runtaa anderes inesta sxb