Waxaa la aqristay: 1,248 Jeer.
Alshabaab oo gowracay nin dhalinyaro ah kadibna Madaxiisa ku qaaten Jawaan
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Wararka naga soo gaaraya Hiiran ayaa sheegaya in Al-Qacidada Somalia ay gowracday nin rayid ah oo kamid ahaa dadka Degan Tuuladda Duqaaqe oo iyadu la sheegay in 40-KM kaga beegantahay Magaaladda Buulo-burte.
Dadka deeganka oo saakay la hadlay Wakiilka shabakadda Soomaalidamaanta ee Hiiran ayaa sheegay in Muuqaalka ninka la gooracay uu yahay mid aan la qoonsankarin islamarkaana ay si xun u gowraceen.
C/llahi Xassan Cabdi oo kamid ah dadka kunool Magaaladda Beledweyne ayaa sheegay in ninka la gowracay laga ka xeystay Magaalada Beledweyne kaasi oo afduub ahaan ay u haysteen Kooxda dhawaan laga xureeyay Somalia Hayeeshe iminka ay qoorta ka jareen.
Sidoo kale wararka halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Al-qaacidada Somalia ay jawaan kusii riteen Madaxa ninka ay gowraceen, waxa ayna goobta uga dhaqaajiyeen inta kale jirka ninkaasi.
Dadka deegaanka ayaa si malo ah u sheegay in ninka la gooracay uu ahaan jiray dhaqtar ka howlgali jiray magaalada Beledweyne, kaasoo aan la garaneynin sababtii ka dambeysay Gowraca ninkaasi.
Si kastaba ha ahaatee Dhacdada ayaa imaanaysa labo toddobaad kaddib makii Al-Shabaab ay nin kale qoorta uga goysay tuulada la yiraahdo Shoow oo aan sidaa uga fogeyn Magaaalada Jalalaqsi.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
