2: 488 Jeer.
Yaya Sanogo oo rajeynaya in uu maalmaha soo aadan ku biiro Arsenal
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Weeraryahanka kooxda Auxerre , Yaya Sanogo ayaa rajeynaya in maalamaha soo aadan uu ku biiro kooxdda Arsenal ee wadanka England sidaa waxaa sheegtay ESPN.
20 jirkaan ayaa sheegay in ay dhowaan kulmeen tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger uuna usheegay in uu ku soo biiri doono Arsenal.
The Gunners ayaa ku raad joogta weeraryahankan reer France kaas oo kooxdiisa udhaliyay 10 gool xagagan.
“Waxaan is aragnay Wenger asbuucan waxaa uu ii sheegay in aan ku biiri doono kooxdiisa maalmaha soo aadan ayuu xidigaan usheegay ESPN.
“Waxaa jira wada hadalado udhaxeya labada koox ,waxaan rajeynaya in ay soo dhamadaan maalmaha soo aadan oo aan ku biiro Arsenal ,waxaa ay ii noqon doontaa riyo ii rumowda hadii aan ku biiro Arsenal ayuu hadalkiisa ku daray.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨