2: 183 Jeer.
Yaasiin Raadeer:- Wan bogsaday cidii ka naxeyso iyo cidii ku farxaysa intaba.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka naga soo gaarayo Magaallada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Xaaladda Sarkaalkii labadii maalin lasoo dhaafay ka hor lagu dhaawacay Magaallada Kismaayo ay xaaladiisu wanaagsanaaneyso.
Xaalada Yaasiin Raadeer oo ka hadlay Xaaladiisa Caafimaad ayaa waxa uu sheegay in Xiligaani ay wanaagsan tahay xaaladiisu, waxa uuna sheegay inuu helo daawooyin iyo dhaqaatiir si is dabajoog ah xaaladiisu u koontarooleyso.
‘’Xaaladeydu aad ayee u wanaagsan tahay dhib sidaa usii weyn ma qabo cidii ka naxeyso iyo cidii ku farxaysa intaba’’ sidaa waxaa yiri Yaasiin Raadeer oo dhawaan lagu dhaawacay Kismaayo.
Sidoo kale, waxa uu yiri Mr Raadeed ‘’Risaasta igu dhacday saameyn kuma aysan yeelan maskaxda iyo meelaha muhiimka ah ee madaxa waxaana rajeynayaa inaan alle idinkiisa ka bogsado’’ sidaa waxaa yiri Yaasiin Raadeer.
Dhanka kale, Waxa uu sheegay Sarkaalka dhaawaca ah in labo cisho kadib uu dib ugu soo noqonayo shaqadiisa,maadaama xaaladiisa ay iminka soo kabsanayso, sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntii, dhaawaca soo gaaray Sarkaalka ayaa waxa uu saameyn ballaaran ku yeeshay Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe oo hakat ka galay magacaabistii golaha Maamulka oo lagu waday in maalin kahor lagu dhawaaqo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨