Waxaa la daabacay: Friday, May 23, 2014 - 13:25:26
Waxaa la aqristay: 172 Jeer.

Xusuus:AC Milana oo maanta kale ka aargoosatay Liverpool finalka Champions league

Waxaa Qoray:

AC Milan's team poses with the trophy af

Labo sano kadib maanta oo kale sanadkii 2007 kooxda AC Milan ee dalka Taliyaaniga ayaa ka aargoosatay Liverpool oo England kadib markii ay 2-1 ugu qaaday Finalkii Champions league.

Milan oo waali ka qaaday Finalkii 2005 ee Champions league markii seddex gool oo ay dhalisay laga bar bareeyay kadibna rigoorayaal looga qaaday.

Markan Finalka ayey ku ciyaareen garoonka Athens,Milan ayaana aar gudatay iyagoo ku guuleystay koobkii toddobaad ee Champions league.

Labada gool Milan waxaa u dhaliyay Filippo Inzaghi daqiiqadii 45 iyoFilippo Inzaghi 82 aad.

Dirk Kuyt ayaa dhaliyay goolka qura ee Liverpool daqiiqadii 89.

74,000 oo taageerayaal ayaa ka soo qeybgalay daawashada ciyaartan.

Finalkan ayaa dhacay laba sano kadib finalkoodii 2005.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨