Waxaa la aqristay: 553 Jeer.
Xulka Italy ee koobka Adduunka ka qeybgalaya oo ku jees jeesay horyaalka Premier league
Waxaa Qoray: Mohamed Jowhar

Yaa u baahan Ciyaaryahan ka ciyaara horyaalka England,xaq waxaa u leh xulkeyga xiddigaha ka ciyaara horyaalka Serie A,sidaas waxaa ku faanay macalinka Xulka Italy Cesare Prandelli.
Dalalka Italy iyo England ayaa ku wada jira Guruubka D,waxaana ay ciyaarayaan lugta hore ee guruubkooda.
Laakiin Cesare Prandelli ayaa ugu faanay macalinka England iney yihiin xulka afarta jeer heysta koobka Adduunka aysan waxba ugu baahneyn xiddigaha ka ciyaara horyaalka England ee Italy u dhashay oo badalkooda uu heysto magacyo waa weyn sida Mario Balotelli, Andrea Pirlo iyo Gianluigi Buffon.
Dhamaan xiddigaha 23-ka ciyaaryahan ee Italy u aadaya koobka Adduunka ayaa ka ciyaara gudaha taliyaaniga.
Eeg halkan dal walba oo ka qeybgalaya koobka Adduunka ciyaaryahanada uu Brazil u wadanayo qaarkood waxaa ay ka ciyaaraan horyaalka Premier league balse Ital maya,marka laga soo tago guruubyada kale eeg, Guruubka D
URUGUAY afar ciyaaryahan ayaa ugu ciyaara Premier leagye waana Diego Lugano (West Brom), Sebastian Coates, Luis Suarez (both Liverpool), Gaston Ramirez (Southampton)
COSTA RICA (1): Joel Campbell (Arsenal)
Italy-Maya
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨