1: Sunday, June 2, 2013 - 23:59:48
2: 347 Jeer.

Xulka Brazil Oo Bar Baro La Dhaafi Waayey Xulka England

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

weyn

Marti galiyaasha koobka Aduunka 2014-ka ee Brazil ayaa waxa ay garoonka Maracana Stadium, waxa ay kua ciyaareen xulka qaranka England

Brazil ayaa waxa ay soo bandhigtay ciyaarihii lagu yaqaanay oo aheyd inay kubada iska heystaan, iyadoona ciyaaryahanada ingiriiska ay difaac ku jireen

Ciyaarta ayaa waxa ay aheyd mid inteeda badan ay gacanta ku heysay Xulka Jaalayaasha lagu naaneyso ee Brazil, iyadoona ciyaarta qeybteedi hore lagu kala nastay gool la’aan 0-0

Markii la isku laabtay ciyaarta ayaa wax ka badalay laacibka xulka Brazil Fred daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta, kadib markii uu dhameys tiray kubad uu soo laaday ciyaaryahan Hernanes

England ayaa Toban daqiiqo kadib waxaa goolka bar bar dhaca gacanta u soo galiyey ciyaaryahanka kooxda Arsenal Oxlade-Chamberlain, kadib markii uu baas wacan uu ka helay ciyaaryahan Weyne Rooney

Dib u soo noolashada xulka Ingiriiska ayaa waxa ay dhalisay in halyeeyga xulka Sadexda Libaax ee Weyne Rooney waxa uu ka dhaliyey goolkiisii labaad, daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta kadib uu kubad uu ka soo laaday meel goosha u jirta 21m

Xulka Brazil ayaa quusan waxaana goolka bar bara xulka Jaalayaasha u dhaliyey daqiiqadii 82-aad, isagoona ciyaarta ku soo celiyey bar baro 2-2.

ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay bar baro 2-2

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed