2: 1,808 Jeer.
Xubin Ka mida Shabaab oo Ka Dhex Muuqda Wasaaradda Arimaha Dibada
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wasiirka Arimaha dibada iyo Maalgashiga Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa uu si indha la’aan ah shaqo mugleh ugu dhiibay xubin ka tirsan kooxda Shabaab oo si weyn looga yaqaano Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Ayuub Ismaaciil oo ah xubnaha ugu firfircoon kooxda Shabaab gaar ahaan dhinaca Wardoonka aha ayaa Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Arimaha dibada iyo Maalgashiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya ka dhigtay Kaaliye iyo sidoo kale Gacan-yare, Al-Shabaab dhexdooda waxaa looga yaqaanaa Ayuub Ismaaciil (Abu-Sufyaan).
Shaqsiyadiisii Hore Ayuub Ismaaciil (Abu-Sufyaan)
Ayuub Ismaaciil waa 27 Jir wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho Degmada Hodan ,xaafada Albarako wuxuuna ku soo barbaaray isla magaalada Muqdisho sidoo kalena wuxu ahaa Ardaydii Kuleejada Imaamu Shaafici ee agagaarka Masaajidka Sheekh Cali-Suufi Kaasabalbalaaro waxa uuna ka gaaray heerkiisa waxbarasho fasalka Todobaad ,Horey wuxuu ula shaqayn jiray ama uu uga mid ahaa Midowgii Maxaakiinta dabayaaqadii 2006-da ilaa 2009-ka xiligaas oo magaalada Jabuuti lagu soo doortay hogaasimihii Midowga Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Ayuub Ismaaciil(Abu-Sufyaan) ayaa si buuxda ugu wareegay Kooxda Shabaab sanadii 2010-ka isagoo loo qaatay dhanka Wardoonka maadaama uu ahaa wiil dhalinyarado ah oo firfircoon si wanagsana u kala yaqaana Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Ayuub Ismaaciil(Abu-Sufyaan) ayaa ka qabtay gudaha Shabaab jagooyin kala duwan sida Amniyaadka,Wardoonka iyo dhinaca warbaahinta waxaana uu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay oo Shababku u direen Puntland,Gobolada Dhexe,Somaliland,Jabuuti isagoo wata ID-Card Saxaafadeed oo sheeganaya inuu kamid yahay wariyayaasha Muqdisho.
Sanadii 2010-ka ilaa 2012-ka waxaa uu ku sugnaa Dalka Jabuuti waxaana meel kasta oo ay ka dhacayaan Barnaamijyada siyaaasadeed ee warbaahinta waxaana uu kaga qayb gali jiray ID-Card TV-ga Somali Channela oo boga kaasi oo looga sameeyay Magaalada Muqdisho,iyadoona ugu danbayntii bilowga 2012-ka waxa uu iska soo hayaamay markii uu ka gaaray ujeedkiisa shaqo.
Hadaba markii ay ka bilowdeen magaalada Muqdisho soo xulista Ergooyinka Dastuurka u codaynayay iyo doorashooyinka Baarlaamaaniga iyo Tan Madaxtinimo ayaa waxaa uu dalka Jabuuti waxaa uu Ayuub Ismaaciil(Abu-Sufyaan) horey uga soo raacay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay isku qabiil yihiin Gadabuursi,waxaana uu markii uu ku fashilmay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar doorashadii Madaxtinimo uu kaga tagay magaalada Muqdisho Ayuub Ismaaciil(Abu-Sufyaan), waxaaana uu markiiba horey kala qabsaday wiil uu adeer u yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Dowladii KMG Dr.Cali Maxamed Geedi oo halkaasi isku baray Ayuub Ismaaciil(Abu-Sufyaan) iyo Dr. Geedi, waxaana ugu danbayntii markii la ogaaday inuu yahay ninkan Shabaab uu iska cayriyay Dr. Cali Maxamed Geedi.
Ayuub Ismaaciil(Abu-Sufyaan) ayaa bartamihii 2012-ka waxaa u shaqo geeyay Xildhibaan ay isku qabiil yihiin oo lagu magacaabo CASOOWE oo mar ahaan jiray afhayeenka koowaad ee Barlamaanka xafiiska ra’iisal wasaarihii hore Cabdifaarax Shirdoon Saacid waxaana uu ka ahaa Press List ama qofka qora magacyada wariyayaasha imaada xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Hadaba Yaa Isku Geeyay Ama Is Baray Dr.Bayle Iyo Ayuub Ismaaciil (Abu-Sufyaan)
Ka dib markii la magacaabay golaha wasiiradda ee xukuumadda uu soo dhisay ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed kuwaasi oo ka koobnaa 25 wasiir waxaana ku jiray wasiirka Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka soo jeeda Samaroon( Gadabuursi) oo ah qabiilka Ayuub Ismaaciil(Abu-Sufyaan) waxaana maalintii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada caasimada Muqdisho isku baray garoonka dhexdiisa Xildhibaan CASOOWE oo horey ugu shaqo geeyay Ayuub Ismaaciil(Abu-Sufyaan) xafiiska ra’iisal wasaarahii hore Shirdoon ,waxaana uuna wasiirka cusub uga warbixiyay shaqsiyada wiilkan da’ada yar ee ay isku beesha yihiin Reer Awdal ama qabiila Gadabuursi isku yihiin.
Hadaba hadii xafiisyadii dowlada iyo masuuliyiinta dowlada gacanta u galaan xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab maxay tahay sirta u qarsoon dowladan uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud? Iyadoo markasta madaxda ugu saraysa dowladu ay celceliyaan inay ka hortagayaan ayna sii adkaynayaan la dagaalanka kooxda Shabaab oo ah garabka Al-qaacida ee Bariga Afrika.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨