Waxaa la aqristay: 693 Jeer.
XOGAHA QARSOON. Xassan Sheekh oo shalay Xarunta xalane kala soo kulmay dharbaaxi Siyaasadeed iyo isaga oo loogu baaqay inuu is Casilo
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Shabakadani oo xiganeyso Illo xog-ogaal ku sugnaa Xarunta Xalane, ayaa sheegay in Lagu dhagan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Illo Xogogaalka ayaa sheegay in kulankii shalay ka dhacay Xarunta Xalane Madaxweynaha Somalia lagu weydiiyay halka uu gaarsiisan yahay xiriirka ka dhexeyn kara Alshabaab iyo DFS, waxaana la Tilmaamayaa in Saraakiishu ay daboolka ka qaadeen inay hayaan ifafaalooyin cadeynkara inuu jiro xiriir hoose oo aan sidaa usii buur-neynn.
Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay waxa isu soo beego xilliga uu safro iyo Qaraxyada taasi oo keentay shakiga ugu weyn, waxa ayan taasi shaki ku beertay Diplumaasiyiintii cadaanka ahaa ee ka qeybqaatay kulanka.
Dowladaha Reer galbeedka ayaa iyagu siyaabo kala duwan goor sii horeysay u sheegay inuu jiro xiriir suuragal ah inuu u dhexeeyo Alshabaab iyo DFS uu madaxda ka yahay Xassan Sheekh, waxa uuna Su’aalahaasi kusoo beegmayaa xilli inkabadan 130 Xildhibaan ay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu is casilo.
Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Xassan sheekh loogu baaqay inuu xilka iska casilo, kadib markii Sarakiisha iyo Diplumaasiyiintuba kuwar galiyeen inay suuragal tahay in dalka uu dib ugu laabto 23-sanno Siyaasado iyo Colaado laga filan karo dalka waa haddii uu Xassan kusii adkeysto inuu is casili waayo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨