Waxaa la aqristay: 397 Jeer.
XOGAHA QARSOON. Seefta Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli oo dulsaaran tiro Wasiiro ah iyo Isku shaandheyn la filaayo maalmaha soo socdo.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa shabakadani u xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha DFS ay wadaan Qorsho cusub oo leysugu shaandheynaayo Golaha Wasiirada.
Illo wareedka ayaa intaa kusii daraayo in Ra’isulwasaaraha DFS uu qabo in xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyayaasha Hay’adaha Ammaanka iyo ku-xigeenadooda, halka Madaxweynaha Jamhuuriyada uu isaguna ku qanacsan yahay in Isku shaandheyn lagu sameeyo gabi ahaan Golaha Wasiirada.
Isku shaandheynta ayaa la sheegayaa inay imaaneyso xili la rumeysan yahay inuu jiro khilaaf ku aadan Wasaaradaha ay isku shaandheyntan saameyn doonto.
Sidoo kale, Magaalada Muqdisho ayey shalay iyo manta ka socdaan wadahadalo u dhaxeeya Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo ku aadan isbedalka la doonayo in lagu sameeyo Wasaaradaha iyo Madaxda hay’adaha amniga.
Dhanka kale, Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in labada hogaamiye si weyn ugu kala aragti duwan yihiin Wasiirada xilalka laga qaadi doono ama laga bedali doono xilalka ay u magacaaban yihin, sidoo kale weli waxaan lagu heshiin cida loo magacaabi doono Wasiirka Amniga sida ay sheegayaan illo xog ogaal ah oo ku sugan Villa Somaliya.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨