2: 344 Jeer.
XOGAHA QARSOON. Ra’isulwasaare C/weli iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo Siyaasada Dalka ku kala irdhoobay.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyada Somalia C/weli Sheekh iyo Wasiirka Caddaaladda, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.
Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu bilowday ka gadaal-markii Ra’isulwasaaraha DFS uu shaaca ka qaaday in Dowlada ay la dhaqaaqi la’dahay Siyaasada salka ku heysa is garabsiga iyo Xarakeysiga ka dhex taagan Xarumaha DFS.
RW C/weli ayaa isagu sheegay in DFS ay ka dhaqaali la’dahay soo laa laabashada Wasiirada qaar oo uu kamid yahay Wasiirka Caddaaladda, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, waxa uuna RW Madaxweyne Xassan ku wargaliyay inaysan wada shaqeyn Karin waa haddii aan Golaha wasiirada laga dhex saarin Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.
Sidoo kale, Wasiirka Caddaaladda, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa isaguna Taageero xoogan ka heysta dhanka Madaxweynaha maadama uu kamid yahay laf-dhabarka Dowlada, waxaase jiro Siyaasado hoose oo uu RW C/weli kaga soo horjeedo Xassan Sheekh iyo Faarax sheikh C/qaadir waxa.
Wasiirka Caddaaladda, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa isagu u dhuun-daloolo xil ka wanaagsan kan hada uu ka haayo DFS, waxa uuna doonayaa in la sameeyo isku shaandheyn kadibna loo magacaabo laba wasaarad mid kood oo kala ah Wasaarada Arrimaha Gudaha ama Dibadda, maadama ay gabaabsi tahay Xukuumadda Madaxweyne Xassan.
Lama Oga Siyaasada isu soo dhaweyn doonto Ra’isulwasaaraha iyo Wasiirka Caddaaladda, waxaana jiro garab uu RW ka heysto dhanka Baarlamaanka.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨