2: 385 Jeer.
XOGAHA QARSOON. Kulan Xasaasi ah oo Magaalada Kampala ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Somalia iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ‘’Maxaa laga wada hadlay’’.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Iloo wareedyo ku sugan Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha ayaa sheegaya in kulan Xasaasi ah uu dhex maray Madxaweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Maxamed sheikh cismaan jawari.
Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid ka dhacay Aqalka Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Magaaladda Kampala, waxaana la sheegayaa inuu kulankaasi socday in ka badan Afar Saac.
Kulanka ayaa ahaa mid Albaabada u xirnaa, waxaana la tibaaxayaa in Labadaasi Mas’uul ay uga arinsanayeen Xaalada Dalka, waxaa leysla soo hadal qaaday inta uu kulanka Socday Weeraradii ka kala dhacay Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka, waxaana arrintaasi wax laga xumaado ku tilmaamay Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa dhaliilay qaabka uu u socdo Amaan darida dalka ka taagan, waxa uuna sheegay in Madaxda dalka looga baahan yahay inay wax ka qabtaan islamarkaana ay si degdeg ah wax uga qabtaan Xaalada dalka uu dib ugu sii laabanaayo.
Dhanka kale, Maxamed Sheikh Cismaan Jawari Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa arrintaasi dhankiisuna ku sheegay inay tahay mid saameysay gabi ahaan Hay’adaha Ammaanka isla markaana meel ku dhac ku noqotay DFS balse waxa uu Madaxweynihii hore u balan qaaday in wax laga bedeli doono xiliyada nagu soo began.
Waxaa sidoo kale jiray Arrimo badan oo ka baxsan Ammaanka iyo Siyaasadaha dalka ka taagan inkastoo aan weli ka helin Xog hadana waxaa la sheegayaa inay ahaayen mid Shariif Sheeikh Axmed looga codsanaayay inuu af iyo Siyaasadba ku kaalmeeyo DFS.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨