Waxaa la aqristay: 302 Jeer.
XOGAHA QARSOON. Gen. Fartaag iyo Wafdi uu Hoggaaminaayay oo laga mamnuucay inay galaan Degmada Baled-xaawo
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Illo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Baled-xaawo, ayaa shabakadani u xaqiijiyay in Maamulka Ahlusunna Ee Gobolda Koofur galbeed Soomaaliya ay Magaalada Baled-xaawo u diiday in ay Booqasho ku yimaadaan Wafdi uu Hogaaminayo Gen,Fartaag oo ah Kuxigeebka Axmed Madoobe.
Maxamed Alqaadi oo ah Afhayeenka Maamulka Ahlusunna oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay in Magaalada Baled-xaawo laga mamnuucay Wafdiga, waxa uuna Tilmaamay in Baled-xaawo aysan aheyn dhul uu ka arimiyo Axmed Madoobe.
Afhayeenka oo intaa kasii ambaqaadayo warkiisa ayaa waxa uu sheegay in aysan Xubno ka tirsan Maamulka Jubba imaan karin Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo, waxa uuna ka digay inay kusoo dhiiradaan imaanshaha Deegaanadda ay ka arimiso Ahlusunna.
Dhanka kale, Afhayeenka ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Dagaalkii ka dhaxay Magaalada iyo Dadkii ku dhintay iyo kuwii Barakacay intuba ay Mas’uul ka yihiin Maleeshiyada Axmed Madoobe ee Raas kambooni,sidaa daraadeed aysan imaan ka rin Degmada.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨