1: Monday, June 9, 2014 - 06:44:00
2: 1,061 Jeer.

XOGAHA QARSOON. Dhaawac Culus oo soo gaaray Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamanka Jeylaani Nuur IIkar.

Waxaa Qoray:

Wararka naga soo gaarayo dhanka Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa sheegayo in goor dhow Isbitaal loola cararay Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamanka DFS Jeylaani Nuur IIkar.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaayo in Guddoomiyaha ay soo gaaray  Jug culus, waxaana la sheegayaa in Jugtaasi ay soo gaartay Xilli uu Tababar u joogay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Jeylani abiikarIllo wareedka ayaa intaa kusii daraayo in Jeylani uu si lama filaan ah uga dhacay Dabaq ku yaala Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya, waxaana la tilmaamayaa in dhibka ugu weyn uu yahay Muruq Luguta Midig oo booday.

Dhanka kale, Mas’uulka ayaa loola cararay Isbitaal uu ku kalsoon yahay oo ku yaalla Magaalada Dubai ee Dalka isutaga Imaaraadka Carabta halkaasi, iyadoona aan la shaacin Jugtaasi inkastoo ay DFS qarineyso hadana waxaa si dadban u shaacinaayo Xildhibaanada Dowladda.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨