Waxaa la aqristay: 944 Jeer.
XOGAHA QARSOON. Cumar Finish oo loo qaadayo dalka Dibadiisa iyo isaga oo ka hadlay Xaaladiisa
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Filish” oo kamid ahaa Xildhibaanadii maanta ku dhaawacmay weerarkii iyo qaraxyaddii Alshabaab la beegsadeen Xarunta Barlamaanka Federalka ee magaalladda Muqdisho, ayaa sheegay in xiligaani uu aad u caafimaad qabo.
Xildhibaan Cumar Filish oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu aad u cafaimaad qabo, isla markaan waxa uu beeniyey warar ay qaar ka mid ah Warbaahinaddu sheegeen inuu Xildhibaanku geeriyooday.
Warar hoose ayaa sheegayo in Xildhibaan Cumar Filish loo qaadi doono dalka Kenya ama Jabuuti si loogu soo daaweeyo dhaawacyadda ka soo gaaray qaraxyaddii maanta.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdalla Boos iyo labo Xildhibaan kale ayaa waxay iyaguna maanta ku dhaawacmeen weerarkii Alshabaab ay maanta ku qaadeen Xarunta Barlamaanka Federalka Somalia.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨