1: Sunday, June 8, 2014 - 06:36:21
2: 741 Jeer.

XOGAHA QARSOON. Barack Obama oo Uhuru Kenyatta ugu baaqay in Ciidamadiisu uu kala baxo Dalka Somalia.

Waxaa Qoray:

Qaar ka tirsan Warbaahinta Dalka Kenya oo xiganeyso illo Diplumaasi ah oo lagu kalsoon yahay ayaa baahiyay in Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ugu baaqay  inuu Ciidamadiisa kala baxo Dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Kismaayo.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Uhuru Kenyatta lagu canaantay inuu wax ka qaban la’yahay Ammaanka Dalkiisa, xili uu sheegay inuu adkeynaayo Ammaanka Dalka Somalia.

Mr Barack Obama, ayaa waxa uu kaloo Uhuru Kenyatta ku canaantay inay xaqiijiyaan Ammaanka Kenya, islamarkaana dhankooda ka sifeeyaan Alshabaab si looga itaal roonaado haraadiga Gobolada Somalia kaga sugan Alshabaab.

Barack Obama, ayaa waxa uu Uhuru Kenyatta kula hadlay Qadka Telka, waxa ayna isla meel dhigeen Arrimo ku saleysnaa Siyaasada Kenya iyo Mareykanka, waxa uuna Tilmaamay in Wufuud gaar ah oo dalkiisa ka socdo ugu soo hagaajin doono Warqado sir ah oo ka turjumaayo Xiriirada Siyaasadeed ee labada dal ka dhexeeyo.

Dhanka kale, Haddalka Barack Obama, ayaa imaanayo xilli Ammaanka Magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa qasan yihiin islamarkaana ay Alshabaabka usii jeedieen Hanjabaado hor leh.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨