2: 783 Jeer.
XOGAHA QARSOON. Axmed Godane oo Saraakiil Cadaan iyo Madoow isugu jiro ku waraajiyay Kenya.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Warar hoose oo ay heshay Shabakadani ayaa sheegaya in Amniyaadka Axmed Cabdi Godane ay weli ku howlan yihiin Kharijinta iyo musaafurinta Alqaacidadii dhowrka sanno ka barbar dagaalameysay.
Axmed Godane oo Magaaladda Baraawe ku shiriyay Badi Saraakiisha isaga adeecsan, ayaa waxa uu isla halkaasi ku go’aamiyay in raggaani Ajaanibta ee dhowrka sano ka barbar dagaalamaayay laga tuuro xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale, wararka dhankaasi naga soo gaarayo ayaa sheegayo in Raggaan lagu tuuray xuduudda Kenya ay durbadiiba u gacan galeen Ciidamada Kenya ee ku sugan Xadka labada dal isku xira.
Saraakiisha ayaa la sheegayaa inay gaarayeen illa Afar Sargaal oo kasoo kala jeeday Kenya, Angola, Pakistaan iyo Ciraaq, sida ay kusoo waramayaan illo wareedka.
Dhanka kale, waxan la Ogeyn halka ay iminka nolol iyo geeri ku sugan yihiin Saraakiishaasi, waxaana jiro warar hoose oo sheegayo inay durbadiiba la wareegtay Kenya iminkana ay ku socoto Su’aalo iyo baaritaano.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨