1: Tuesday, July 2, 2013 - 20:08:42
2: 3,179 Jeer.

(XOG). Xassan Dahir oo bixiyay Macluumaad ku saabsan Maamul Gobaleedyada Alshabaab siiya Dhaqaalaha kadib markii la sumeeyay.

Waxaa Qoray: Ali Abdullahi Abkow

uyuy

Xassan Dahir Aweys oo u xiran Xukuumadda Somalia iyo Sirdoonka Britain iyo Maraykan, ayaa waxaa lagu soo waramaaya in Sirdoonka ay Sumeeyen kadib laga helay Macluumaad ku saabsan Halka Alshabaab laga maalgaliyo.

Warar hoose oo ay heshay Shabakadda Soomaalidamaanta, ayaa sheegaya in Xassan Dahir oo la sumeeyay uu sheegay in Alshabaab inta badan hubka iyo sahayda looga soo gudbiyo Puntland,Kismaayo,Dhanka Dowladda, sida ay Xogtu nagu soo gaaray, iyadoona lagu soo qaado qaab ganacsi ah.

Xassan oo la sumeeyay, ayaa waxa uu sheegay in Saraakiil ka tirsanaa Dowladii KMG ee Sheikh Shariif ay la shaqeyn jireen Alshabaab iyagoona inta badan Hubka usoo gudbin jiray Alshabaab halkaasina ka macaashi jiray, sida ay xogtu sheegtay.

Dhanka kale, Xassan Dahir ayaa waxaa laga helay Macluumaad ah in Alshabaab ay inta badan Weerarada kasoo qaadan Dayniile, Kaaraan, Xararyaale, Gubta, Geed-jacey, Kaaraan, isagoona sheegay in wax waliba oo Qarax ah lagu farsameeyo Xaafadda Buula-xubey halkaasina laga qaado weerarada ismiidaaminta ah.

Xassan Dahir Labadii maalin ee ugu horeysay wuu ka dhaga adeegaayay inuu bixiyo Macluumaad ku aadan Alshabaab, sida ay Xogtu sheegeyso balse Galabnimadii shalay wixii ka dambeeyay loo adeegsaday Daawooyinka Dambiilayaasha la siiyo oo Macluumaadka looga raadiyo iyo isaga oo loo adeegsaday Qalabka Korontadda, taasoo keentay inuu si mala awaal ah u sheego wixii Macluumaad ah ee uu qarinaayay.

Xassan waxaa laga helay Xog ah Halka uu Xiligaani ku sugan yahay Hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Godane iyo Afhayeenka Alshabaab Cali dheere, balse shabakadda ma aysan u suura galin inay hesho Macluumaadkaasi Xasaasiga ah.

Ugu dambeyntii, Waxaa jira Macluumaad intaa ka badan oo uu Xassan Dahir sheegay balse aysan Shabakadda u suura galin inay wada hesho gabi ahaan Macluumaadka.

Xilli waliba Isha ku hey Shabakadda Caalamiga Soomaalidamaanta si aad u hesho Warar iyo Macluumaad is daba-joog ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed