Waxaa la aqristay: 341 Jeer.
XOG. Taliyayaasha Nabadsugidda iyo Boliska oo Saacadaha soo socda Is casili doono.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Warar hoose oo ay goor dhow heshay Shabakadani ayaa sheegaya in Saacadaha soo socda ay is Casili doonaan Taliyayaasha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneraal C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Jeneral Bashiir Axmed Jaamac (Bashiir Goobe).
Xogtaani ayaa tilmaameyso in lagu wado in Labadaa Taliye ku dhawaaqaaan Is-casilaadooda ka hor inta aan la gaarim Maqribka.
Sidoo kale, warar hoose ayaa waxa ay intaasi kusii darayaan in is Casilaada ay Labadaasi Taliye la sugayaan imaanshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka sugan ee aynu helayno ayaa sheegayo haddii ay Taliyayaashaaasi is-casili waayaan wixii ka horreeya xilligaasi inuu Madaxweynuhu soo saari doono Wareegto uu xilalka kaga xayuubinayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u qorsheysan markii uu yimaado inuu Kulamo Khaas ah la yeesho Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo haatan Ku-simaha Madaxweynaha ah iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed Mohamed.
Madaxweynaha waxa kaloo oo uu gelinka dambe ee maanta Kulan la yeelanayaa Guddiga Amniga Qaranka, iyadoo kulankaasi noqon doono mid xasaasi ah oo ay dhici karto inay Mas’uuliyiin badan oo Guddigaasi ka mid ah xilalkooda ku waayaan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨