1: Thursday, July 4, 2013 - 19:18:00
2: 1,065 Jeer.

(XOG). Sirdoonka Britain iyo Maraykan ee Muqdisho oo gudbiyay halka ay ku yaallan Xarumaha Waaweyn ee Alshabaab.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uyuy

Xog hoose oo aan ka heleyno dhanka Wasaarada Arrimaha Dibada Xukuumadda Somalia, ayaa sheegeysa in Sirdoonka Britain iyo Maraykanka ee Jooga Magaallada Muqdisho gudbiyeen Xog dhameystiran oo ku saabsan halka ay dhacaan Xarumaha Al-qacidada Somalia ee Alshabaab.

Xogta ayaa noo xaqiijineysa in Sirtaasi laga helay Horjoogaha Baxsadka ah ee Xassan Dahir, iyadoona ay Sirdoonka si toos ah ugu gudbiyeen Dowladaha Britain iyo Maraykanka si wax looga qabto Arrinta Alshabaabka looga itaal roonaaday Dagaaladda ay la galeen Dowladda iyo AMISOM.

Xassan Dahir ayaa waxa uu baxshay Macluumaad buuxa oo ay in muddo ah baadi-goobayeen Hay’adaha Sirdoonka taasoo iminka sahleysa in Xassan Dahir dib loo siiyo Xoriyadiisa, kadib markii laga helay Macluumaadka ugu badnaa oo ay raadinayeen Hay’adaha Sirdoonka.

Xogta ayaa waxa ay sidoo kale, muujineysaa in Dowladaha Galbeedka ee Hay’daha ku leh Somalia ay il-gaar ah ku eegi doonaan Xarumahaasi, iyadoona aad looga cabsi qabo in lagu soo kiciyo Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn si ay u helaan Xog dheeri ah.

Ma cadda sida ay xaaladu noqon doonto wallow Caalamku ay ka go’an tahay cirib tirka Haraadiga Argagixisada ee ku dhuumaleysanaya Gudaha iyo Daafaha Somalia.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed