2: 264 Jeer.
XOG. Madaxda Dalka oo isku Khilaafsan Siyaasadaha Colaadaha daba socdo ee ka taagan G/Sh/Hoose
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Dowlada FS, ayaa sheegaya in Khilaaf Siyaasadeed weyn uu ka dhex taagan yahay Madaxda Sare ee Dowladda.
Illo wareedka ayaa sheegaya in Khilaafka uu u dhexeeyo Madaxweynaha, RW, Wasiirka Gaashandhiga iyo Xildhibaano, ka gadaal markii Madaxweynaha Dowlada uu ku baaqay in hab qabiil Beesha Habargidir looga dhadhacsiiyo isaga bixida Gobolka Shabeellaha Hoose.
Haddalka Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inay Khilaafeen Wasiiro uu kamid ahaa Gaashandhiga iyo Xildhibaano, kuwaasi oo diiday in Gobolka Shabeellaha Hoose loo xalaaleeyo Beel gaar ah, waxa ayna soo jeediyeen in look ala qeybiyo si nabad ah, lagana dhex dhaliyo Ammaanka iyo xasilooni, halka Madaxweynaha uu ku nuux-nuuxsaday in G/Sh/Hoose loogu deeqo Beesha Biyo-maal.
Sidoo kale, warar hoose ayaa sheegaya in Arrinta Gobolka Shabeellaha Hoose loo xil saaray RW C/weli Sheekh Axmed si uu u xiliyo Colaadda ka socota Gobolka, waxaana la sheegayaa inuu Khilaafsan yahay RW hadalka Madaxweynaha oo ahaa in Beesha Biyo-maal loo gaar yeelo Shabeellaha Hoose.
Xildhibaanada qaadacay Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow oo kamid ah Xildhibaanada Gobolkaasi kasoo jeedo waxa uuna yiri “Ma aadi doono Gobolka Shabeellaha Hoose inta ay Xukuumadda ka cadeyneyso halka lakala geyn doono Maleeshiyaadka ku dagaalamay Gobolka, kuwa ka tagay Muqdisho waa in dib loo soo celiyaa, kuwa kalena waa in Deegaankooda lagu celiyaa.”
Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow Wuxuu sheegay in Dowladda aysan Daacad ka ahayn Xalka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay taageersan tahay garab kamid ah Labada dhinac, isagoo intaasi ku daray in Xildhibaanada Gobolka kasoo jeeda ay ka mideysan yihiin in aysan raacin Wafdiga RW C/weli u dirayo Marko.
Dhanka kale, Khilaafka ayaa u muuqda mid Beel-gaar ah lagu canaadayo, inkastoo ay Madaxda isku Khilaafsan yihiin hadana waxaa muuqaneyso inuusan noqoneynin mid laga miro dhalinaayo haddii uu xaalku sidaa sii ahaado.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨