Waxaa la aqristay: 331 Jeer.
XOG. Khaliif Ereg oo lagu wado inuu noqon doono Wasiirka Amniga DFS.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliyihii hore ciidanka Nabad-sugidda ee gobolka Banaadir Khaliif Ereg loo magacaabi doono Wasiirka Amniga DFS.
Wararku waxa ay Tibaaxayaan in kulan dhowr saac qaatay uu dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia, Ra’isulwasaaraha iyo Khaliif Ereg ay kawada hadleen Qaabka ugu haboon ee lagu sugi karo Ammaanka Muqdisho.
Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa waxa ay Khaliif ku wargaliyeen inuu xilkaasi dhabarka u dhigto, kadib markii ay Odayaasha kusoo wargaliyeen inuu Khaliif matalaayo Beesha islamarkaana u buuxinaayo booska uu faarujiyay Gulled.
Khaliif Ereg ayaa waxaa garab boodayo Odayaal iyo Xildhibaano ka tirsan Beeshiisa, waxaana iminka leysla meel dhigay in Khaliif uu galaayo booska Gulle.
Sidoo kale, Illo aan lagu kalsooneyn ayaa xaqiijinaaya in Khaliif Ereg ay kasoo horjeedan Odayaasha qaar lakin ay awood badan yihiin kuwa isaga taageersan, waxaana jira kalsoon uu Khaliif ka qabo dhanka Madxaweynaha iyo Ra’isulwasaaraha maadama uu horay Taariikhyo kala duwan Alshabaab ugu dhigay.
Dhanka kale, warar la hubo ayaa tibaaxayo in Warqada Khaliif Ereg uu ku noqon lahaa Wasiirka ay kasoo dhamaatay dhanka Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha balse waxaa laga dhowr sugaaya baahinta Magacaabida xilkaasi.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨