1: Saturday, June 8, 2013 - 09:11:54
2: 188 Jeer.

Xog.guud Ururka Midowga Suxufiyiinta Somalida Sudan oo si kulul uga hadlay Xaallada Somalida South Africa.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

oooooooooo

Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Suxufiyiinta Soomaalida Sudan Md. C/fitaax Maxamed Daahiye {injey} oo shir Jaraa’id ku qabtay isla Magaallada Khartoum, ayaa waxa uu kaga hadlay Dilka iyo Gowraca lagu asqeeyay Ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan Dalka South Africa, taasoo uu sheegay inay geystaan Wax magarato u dhashay South Africa.

Xoghayaha ayaa sheegay in Suxufiyiinta ku sugan dalka Sudan ay aad uga xunyihiin dhibkaas lagu haayo Muwaadiniin ayna niyad ahaan gabar taaganyihiin.

Wuxuu Ganacsatada ugu baaqay inay is garabsadaan, lana joogo xiliga dhib iyo dheefba leysu garabsan lahaa, isagoona ku tilmaamay kuwa dhintay inay yihiin Shuhadaa.

Dhanka kale, waxa uu Xukuumadda Somalia ugu baaqay inay in dhaheeda kusoo aragto Dhibaatada lagu haayo Muwaadiniinta oo aysan ku ekaan inay ka hadlaan Warbaahinta, waxa uuna ugu baaqay Dowladda Somalia inay wax ka qabato Xaaladda Soomaalida South Africa.

Sidoo kale, Xoghayaha waxa uu sheegay in Dowladda Somalia loo doortay inay difaacdo Dhibaatooyinka Muwaadiniinta lagu haayo.

Ugu dambeyntii, waxa uu Xoghayaha sheegay in Dowladda South Africa ay iska indha tireyso waxyeellada loo geysanaayo Soomaalida, isagoona taasi ku sheegay inay tahay mid lid ku ah Xukuumadda Somalia.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed