Waxaa la daabacay: Thursday, May 29, 2014 - 06:57:11
Waxaa la aqristay: 514 Jeer.

XOG. Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha Dalka oo ka digay in Xilka laga qaado wasiirada.

Waxaa Qoray:

Warar hoose oo ay shabakadu ka heleyso dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamanaka iyo Ra’isul wasaaraha Dalka Khilaafsan yihiin damaca uu Madaxweynaha ku doonayo inuu xilka kaga qaado inta badan Golaha Wasiirada, isagoona diirada saari doono Isku shaandheyn.

Guddoomiyaha iyo Ra’isulwasaaraha oo kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha ayaa waxa ay kaga digeen in DFS uu u bedelo ‘’kana keen, kana bixi’’ waxa ayna sheegen in Xilka qaadista iyo isku dhaandheynta horsed usii noqon karto qaska iminka Alshabaab ay kawadaan Dalka.

Prof Jawaari ayaa isagu sheegay in xalka Somalia uusan aheyn xilal la kala qaado balse loo baahan yahay in wax un laga bedelo Ammaanka lana howlgaliyo Ciidamadda Nabad ilaalinta, si loo fashiliyo Damacyada Alshabaab eek u wajahan Xarumaha DFS.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa la filaaya inuu kasoo tashan-doono Xilka qaadista iyo isku shaandheynta uu la damacsan yahay Golaha Wasiirada, waxaana la filayaa in gudaha Asbuucaani isbedel ballaaran laga dareemi doono Dalka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨