2: 1,703 Jeer.
DEG DEG. Gaadiid dagaal iyo Ciiddamo aad u hubeysan oo ka soo kala dhaqaajiyay Gedo iyo Gal-gaduud.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka iminka naga soo gaaray Gobalka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi ay gowr dhow kasoo baxeen Ciiddamo sita ku dhawaad 7-gaadiid oo ay saaran yihiin Ciiddamo aad u hubeysan kuwaasoo ay wararku nagu soo gaarayaan inay kabi doonaan Ciiddamadda daacada u ah Col. Barre Hiiraale oo dhawaan laga saaray Magaalladda Kismaayo.
Wararka iminka soo gaaraya Shabakadda ayaa sheegaya in Col. Barre Hiiraale uu sidoo kale, Ciiddamo gurmad ah ka dalbaday Gal-guduud si uu mar kale dib ula wareego Magaalladda Kismaayo oo ay iminka gacanta ku hayaan Ciiddamadda Raaskambooni iyo kuwa Kenya.
Col. Barre Hiiraale ayaa waxa uu iminka ka shanqariyay in sida ugu dhaqsaha badan Isaga iyo Ciiddamadiisuba ugu laabanayaan Magaalada oo uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga xureeyo Keenyaatiga oo uu sheegay in ay gabdhihii Soomaaliyeed ay ku fara xumeynayaan.
Col. Barre Hiiraale ayaa waxa uu xilligaan ku suganyahay duleedka Kismaayo halkaasi oo uu carar ku tegay kadib markii Ciiddanka Kenya ay si bareer ah u taageereen Axmed Madoobe oo ay doonayaan in ay si qasab ah madaxda Jubaland uga dhigaan inta kalana ay ka dhigaan wax ay dilaan, waxa ay tarxiilaan iyo waxa ay baacsadaan.
Barre Hiiraale, ayaa waxa uu shaaciyay in dhawaan uu si xoog kula wareegi doono gabi ahaan Magaalladda Kismaayo, isaga oo sheegay inuu kaashanaayo Ciiddamadda kasoo ambabaxy Gedo iyo Gal-gaduud oo kusoo wajahan Kismaayo.
Ugu dambeyntii, Barre Hiiraale, ayaa waxa uu iminka u tafa xeydanayaa inuu Awood kula wareego gabi ahaan Kismaayo isaga oo garab ka kala helaayo Ciiddamadda Dowladda, Gedo, Galgaduud iyo kuwa Reero ah.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨