2: 589 Jeer.
Xog culus: Kulan ay yeesheen wasiirka war-faafinta iyo madaxweyne Xassan Sheekh oo fashil ku dhamaaday.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Ilo xog-ogaal ah ayaa waxa ay u xaqiijiyeen shabakadaan in uu waji gabax iyo kala aragti duwanaasho uu kusoo dhamaaday kulan ay yeesheen madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka war-faafinta Soomaaliyeed Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
Kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid Wasiirku uu doonayay in uu madaxweynaha ku qanciyo siyaasad cusub oo wasiirku ku doonayay in uu ku kala dilo odayaasha dhaqanka Beesha Murusade iyo madaxweynaha dalka Soomaaliya kadib markii odayaashu ay dhaliileen hanaanka shaqo ee Mustaf tan iyo markii loo magacaabay xilka uu hayo.
Dad ku dhawaa kulanka oo diiday in magacooda lasoo xigto sababo amaan aawadood ayaa waxa ay sheegeen in Mustaf uu madaxweynaha ka codsaday in uusan la kulmin odayaasha dhaqanka Murusade isaga oo aan ka war qabin.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa arintaasi ka dhega adeygay isaga u sheegay in odayaasha dhaqanku ay yihiin marjaca loo laabanayo maadaama dowladu ay tahay xilligaan dowlad ku saleysan qabiil oo Xizbiya aan loo gudbin xubin walba oo dowlada ku jirtaana ay qabiil metesho lagana doonayo cida ay metesho iyo dowlada in si wanaagsan ugu dhexeyso, wixii intaa ka dheeri ahna aan loo baahneyn.
Dood dheer kadib ayaa wararku sheegayaan in Mustaf oo wajigiisa ay caro ka muuqatay uu kasoo baxay madaxtooyada maadaama uu ku guuldareestay hadafkiisii.
Odayaasha Murusade ayaa markaan waxaa u fufud in madaxweynaha ay ula tagaan ashkato kasta oo ay ka yihiin Mustaf maadaama shirqoolkii uu iyaga iyo hogaanka dalka ku kala dili lahaa dhicisoobay.
Kulanka madaxweynaha looga dhaadhicin lahaa in uusan Shaqsi Murusade ah la hadlin Mustaf oo aan ogeyn ayaa waxa uu yimid kadib markii odayaasha dhaqanka Murusade ay dhaliileen Mustaf ayna u sheegeen in habka uu u shaqeynayo aysan aheyn si ay ku qanacsanyihiin kuna war-geliyeen in markii horaba iyagu shaqada geeyeen hadana ay madaxda dalka uga ashtakoonayaan si xilka looga qaado looguna bedelo ruux ku haboon kursigaasi.
Odayaasha dhaqanka Murusade ayaa waxaa la sheegay in ay Mustaf ugu caga jugleeyeen, “Gacal oo kamid ahaa ururka Madaxweynaha ayaan daaqada ka bixinay kadib markii uu na anfici waayay adigana kuuma daaheyno hadii aadan is-toosin”.
Wasiiru-dowlihii hore ee arimaha dibada Soomaaliya, Maxamed Nuur Gacal, oo kamid ahaa raga sida aadka ah ugu dhaw madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxa uu kusoo noqon waayay golaha wasiirada kadib markii ay diideen odayaasha dhaqanka Murusade oo u arkay in uusan aheyn shaqsi ku haboon in uu metelo iyaga oo fursad siiyay Mustaf Dhuxulow oo in ku siman 120 casho ay uga niyad jabeen ragii soo xushay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨