1: Tuesday, June 4, 2013 - 18:39:31
2: 1,020 Jeer.

(Xog).Axmed Madoobe oo xilka laga qaadayo iyo Dowladda oo Mas’uul magacaabi doonto.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Sheikh Madobe speaks to journalists at Kismayo International Airport

Illa wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakadda u xaqiijiyay in Dowladda Kenya ay gabi ahaan Tallada Kismaayo ku wareejineyso Xukuumadda Somalia.

Xogta aan ka heleyno Siyaasiyiin ka agdhow Madaxweyne Xassan Sheikh, ayaa sheegaya in Dowladda Kenya iyo IGAD,ay soo afjareen Khilaafkii ka taagnaa in Axmed Madoobe uu ka tanaazulo Xilka uu sheegay inuu ka haayo Jubbaland, waxa ayna wararku Tilmaamayaan in Dowladda Somalia ay iyadu magacaabi doonto Madaxweynaha Maamulka Jubbaland isla markaana aysan dhici doonin wax Doorasho ah.

Xogta ayaa waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqeysaa in Heshiiskii ay kala saxiixdeen Labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda Somalia iyo Kenya ay qeyb ka aheyd in Dowladda Kenya ay faarujin doonto gabi ahaan Kismaayo isla markaana ay faraha kala bixi doonto Arrimaha Somalia.

Madaxweynaha iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo iminka ku sugan Magaallada Nairobi, ayaa waxa ay Dowladda Kenya kala tashanayaan qaabka ugu sahlan oo ay Ciiddamadeeda kala bixi laheyd Kismaayo, iyadoona ay Kenya marka hore amartay in Ciiddamadda Siiraaliyoon iyo kuwa Dowladda la geeyo goobaha ay Ciiddamadad Kenya faarujin doonaan.

Ugu dambeyntii Dowladda Somalia ayaa waxa ay iminka wadaa qorshe ay kusoo dhisi laheyn Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyadoona xiligaani wixii ka dambeeyo maamulan doonto Kismaayo.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed