Waxaa la aqristay: 339 Jeer.
Xildhibaanadii ku baaqay is Casilaada Xassan Sheekh oo maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay qoraal dhowaan ka soo baxay urur goboleedka IGAD, Q.M iyo midowga Yurub, kaas oo sheegayay in madaxda dalka iyo hay’adaha dowladda in ay joojiyaan khilaafaadka hareeyay madaxda dowladda.
Kulan maanta ay ku yeeshen magaalada muqdisho, xildhibaanadan ayay ku sheegeen in aan la aqbali doonin in dib lagu soo xaliyo khilaafka madaxda dowladda soo kala dhagax galay.
Xildhibaan Cabdo Raxmaan Xoosh Jabriil ayaa kulanka ka sheegay in khilaafaadka madaxda ay ka gudubtay in dalka dibadiisa lagu xaliyo hay’ada dowladuna ay awood u leeyihiin xal ka gaarista wax jira.
Kulanka ayaa Xildhibaanada waxaa ay Beesha Caalamka ugu baaqeen in ay Faraha kala baxdo Amuuraha Soomaaliya ,waxeyna sheegeen in Soomaaliya ay aydu Heshiin karto.
Xildhibaan C/laahi Sh Cismaaciil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dowladdaha Caalamka markii Madaxdooda ay is qabtaan ayagu ay Xal gaaraan.
Waxaana Xildhibanadaan ay Qeyb ka yihiin,Xildhibaano 5-tii Bishaan May Bayaan ay ku Dalbanayaan in uu iscasilo Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨