2: 791 Jeer.
Xildhibaan beeniyay in Xassan Daahir uu yahay Argagixiso! (waa kuma xildhibaankaasi).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo ka tiran Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrinta Sheikh Xasan Daahir Aways oo isku soo dhibay Maamulka Ximin iyo Xeeb ee ka arimiya Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay Sheikh Xasan Daahir Aways inuu kamid ahaa ragii qonyar socodka ahaa ee aan Al-shabaab sida wayn u raacsanayd fakirka gowraca iyo dhibaateynta bulshadda.
Wuxuu sheegay in aan lagu tilmaami Karin Shaqsi argagixiso ah, isagoona difaacay xildhibaanka Fakirka Xassan Daahir inuu ahaa mid macquul ahaa.
‘’Xassan Daahir ma aheyn argagixiso balse waxa uu ahaa nin ay danta baday inuu ku biiro Alshabaab, waa nin qunyar socod ah loona baahan yahay in labadbaadiyo’’ ayuu yiri xildhibaanka.
Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay arintaasi u taha Fursad isla markaana ay ka faa’iidaysato si wanaagsana loola dhaqmo sheikha.
Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in isa soo dhiibida Xassan Daahir ay muujineyso in Madaxda kale ay isa soo dhiibi rabaan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨