1: Sunday, July 7, 2013 - 09:22:10
2: 173 Jeer.

Xiisado weli ka taagan Dalka Masar iyo qasaaraha oo sii kordhaayo.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

kkkk

Taageerayaasha madaxweynihii ay xukunka ka tureen militariga Masar Maxamed Morsi, ayaa wali sii wada dibadbaxyada ay ku dalbanayaan in dib loo soo celiyo xukunkii Morsi.

Magaallooyinka Qaahira iyo Alexandria ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo gacan ka hadal wata oo dhexmaray taageerayaasha Morsi iyo dadka isaga ka soo horjeeda.

Wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay in ku dhawaad 40 qof ay guud ahaan ku dhinteen rabshaddaha labada dhinac dhexmaray tan iyo markii xukunka laga tuuray Morsi.

Inkastoo xaaladdu imika degan tahay, haddana taageerayaasha Morsi ayaa la filayaa inay soo buuxiyaan fagaaraha Raabica al-Cadawiya ee bariga Qaahira, dhinaca kooxaha ka soo horjeeda Morsi ayaa iyaguna ku baaqayaan bannaabaxyo waaweyn oo lagu qabto fagaaraha Taxriir.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed