2: 911 Jeer.
Xidigta kooxda Arsenal , Yankey oo taariiq udhigtay kubbada cagta Ingriiska rag iyo dumar intaba
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kabtanka gabdhaha ee xulka Ingriiska,Rachel Yankey ayaa noqotay qofka ugu safashada badan xulka Ingriiska rag iyo dumar intaba .
Kadib markii ay xalay safatay kulan 1-1 ku dhamaaday oo udhaxeeyay gabdhaha England iyo Japan ayey rikoor cusub usameysay taariiqda England .
Gabdha khadka dhexe uga ciyaarta kooxda Arsenal ayaa xalay safatay kulankeedii 126 aad ee xulka England.
Waxaa ay dhaaftay gool hayihiin hore ee xulka wiilasha ee wadanka England , Peter Shilton kaas oo xulka Ingriiska uciyaaray 125 kulan.
Rachel Yankey ayaa lagu doonsiyay ubax lagu sharfaayo rikoorkeeda cusub ka hor intii aaney bilaaban ciyaatii xalay.


FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨