2: 368 Jeer.
Xidigaha Chelsea oo aaminsan in ay qaadi doonaan horyaalka hadii uu yimaado Mourino
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Xidigaha kooxda Chelsea ayaa sheegay in ay kooxdoodu hanan doonto horyaalka wadanka Ingriiska ,hadii uu yimaado tababare Jose Mourionho.
Hogaamiyaha reer Portugal ayaa lagu wadaa in uu ka soo muuqdo kooxda galbeedka London,taas oo laga eryay 2007-dii.
Chelsea ayaan arkin Premier League tan iyo 2009-kii ,laakiin David Luiz iyo Demba Ba, ayaa aaminsan in hadii uu yimaado Mourinho ay Chelsea noqon doonto horyaalka England.
“Dhamanm waxaa jira is badalo ,United waxaa ka tagay Ferguson ,Chelsea waxaa ka tagay Benitez ,Man City iyadana waxaa ka tagay Mancini ,marka dhaman waxaa xagagan lala kowsanaa waji cusub ayuu yiri Luiz,
“Marklaad aragto Mourinho waxaa dareemeysaa in uu wax badan kaga duwan yahay macalimiinta kale ,waan soo dhoweyneynaa waana hubaa in aan xagagan qaadi doono horyaalka ayuu hadalkiisa ku daray.
“Hadii uu yimado Mouriho yaa iska celin kara Chelsea ,koob walba waan qaadi karnaa ayuu isna yiri wereraryahan muslimka ah ee kooxda Chelsea Demba Ba.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨