1: Thursday, June 27, 2013 - 19:03:09
2: 1,030 Jeer.

Xassan Daahir oo Wafdiga Dowladda ee gaaray Cadaado u cadeeyay dilka Ibraahim Afgaani.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uuyu

Wararka ka imaanayo Magaallada Cadaado, ayaa sheegaya in Sheikh Xassan Daahir Aweys uu cadeeyay dilkii loo geystay Ibraahim Afgaani.

Xasan Daahir waxa uu sheegay in Ciiddamo taabacsan Axmed Godane ay dileen IbraahimAfgaani iyo Moalim Burhaan oo fakir ahaan kasoo horjeeday Godane waxa uu sidoo kale qiray in Garabka Axmed Madoobe aaseen Meydka Labadaasi Mas’uul, sida uu hadalka u dhigay.

Wafdiga Dowladda ee gaaray Magaallada Cadaado, ayaa waxa ay Xassan Daahir ka xaqiijiyeen in Axmed Godane uu kuwada kacsan yahay gabi ahaan Saraakiisha iyo Ajaanibta, waxa uuna Xassan Daahir wafdiga u xaqiijiyay in dhowr mar lagu soo weeraray Hoygiisa.

Sheikh Xassan ayaa waxa uu dhanka kale, Xaqiijiyay in Axmed Godane uu horay dagaalo siyaabo kala duwan ugu dilay Saraakiil Ajaanib ah kuwaasoo kasoo horjeystay taasina ay tahay sababta dhalisay Khilaafka Alshabaab.

Ugu dambeyntii, Xassan Daahir ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo gaarsiiyo Magaallada Muqdisho si halkaasi ula hadlaan Madaxda Dowladda Somalia.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed