2: 760 Jeer.
Xasan Yacquub oo qiray in Alshabaab ay qarka u saaran yihiin Bur-bur iyo Dagaal.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, ayaa sheegaya in Degmadaasi ay ku kulmeen Saraakiil ka tirsan Maleeshiyadda Alshabaab.
Wararka aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in kulanka ay qeyb ka ahayeen Horjoogaha Shabaab u qaabilsan gobolka Galgaduud Xasan Yacquub Cali iyo horjoogaha gobolka Shabeellaha Dhexe Yuusuf Kabo-kutukade iyo Saraakiil kale aan magacooda la sheegin, waxa uuna kulankooka ka dambeeyay kadib dagaal Habeennimadii xalay degmada ku dhex maray labo maleeshiyo oo ka wada tirsan al-Shabaab.
Kulanka inta uu u socday Maleeshiyadda ayaa waxaa Halkaasi Khudbad dheer uga Jeediyay Saraakiisha Sheikh Xasan Yacquub ayaa waxa uu Odayaasha dhaqanka ee Degmada Ceelbuur ugu baaqay in ay is dejiyaan oo dagaalkii xalay aysan u arkin mid qabiil, balse uu ay u arkaan khilaaf yar oo ka dhax jira maleeshiyada al Shabaab, lana xallin doono sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Xasan Yacquub waxa uu Odayaasha ku wargaliyay in Dagaaladda ay Maleeshiyada ay ku jiraan uu u muuqanaayo mid sii dabar go’aayo oo looga itaal roonaanayo Kooxda, isagoona ugu baaqay inay qeyb ka qaatan dagaaladda.
Waxa uu dhanka kale, Odayaasha ugu baaqay inaysan ka nixin Colaadaha muddooyinkaani ka dhex aloolsan Maleeshiyadda Alshabaab, waxa uuna Tilmaamay in Colaadahaasi ay ka dhalan karaan Xiisado dagaal balse Odayaasha iyo Shacbiga looga baahan yahay inay muujiyaan dhabar adeeg.
Ugu dambeyntii Hogaamiyayaasha Xasan Yacquub iyo Yuusuf Kabo-kutukade, ayaa waxa uu u muuqda mid naf la caari ah, iyagoona ka goostay Dhinacyada kale ee Alshabaab iskuna aruuriyay Degmada Ceelbuur.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨