XANTA MUQDISHO:- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia oo lagu xanto inuu yahay Shariif Sakiinka Cusub ee Dowladda.

¨
Posted on May 4 2013 - 12:30pm by Qadro Xusein
0

uuuAqoonyahaanada,Odayaasha,Waxgaradka iyo Shacbiga Soomaaliyeed ayaa waxa ay maalmahaani ku shaahiyaan in Dowladda Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ay la soo baxday Shariif Sakiin Cusub oo isagu la sheegay inuu midab ahaan ka duwan yahay Shariif Sakiin, balse Hawl ahaan uu taagan yahay Booska Shariif Sakiin.

Aqoonyahaanada,Odayaasha,Waxgaradka iyo Shacbiga Soomaaliyeed, ayaa waxa ay inta badan Goobaha lagu shaahiyo ku xanta Siyaasiyiinta Dowladda iyo mudnaanshaha ay ku dhex leeyihiin Bulshadda, inta badan waxa ay isla dhex marayaan Shacbiga in Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia, ahna Maskaxdii ka dambeysay in Madaxweyne Xassan Sheikh isku soo taago Xilka Madaxtinimo ee Soamlia uu iminka u muuqdo inuu yahya Shariif Sakiinka Cusub ee Dowladda Somalia, isagoona lagu xanto inuu gabay Hawlihiisa loo idmaday isla markaana u jiheestay inuu Safaro ugu baxo dalka dibadiisa.

Laga bilaabo Magacaabistii Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia, ayaa waxa uu ilaa iyo iminka qaban wax Hawl ah sida ay Hawlaha u guteen Madaxda dhigiisa ah oo inta badan laga dareemayo Hawlahooda Magaaladda Muqdisho.

Faarax Sheekh C/qaadir , Xubin ahaan waxa ay Hawshiisa ku Egtahay Dhacdooyinka iyo Siyaasadaha ka dhaca Gudaha Villa Somalia Hayeeshee waxa uu u shaqeeya Sida Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia isagoona aan wax war ah ka heyn Hawlaha ka socda Gudaha Madaxtooyadda Somalia.

tttttDhaqanka iyo dayacaada Hawlaha loo idmaday Faarax Sheekh C/qaadir  waxa uu muuqaal ahaan ka shabahaa Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Somalia Shariif Xassan Sheikh Aadan oo loogu magic daray (Shariif Sakiin), oo inta badan gacanta kula jiri jaray Arrimo aan loo xil saaran Hayeeshee waxaa iminka Booskaasi galay Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia oo gabi ahaanba aan wax ka qaban Hawlaha ay Dowladda u idmatay isagoona Safar waliba la socda Madaxweynaha Dowladda Somalia, taasoo Shaki galisay Madaxda Dowladda oo tabanaaya in Hawlahooda uu hayo Faarax Sheekh C/qaadir .

Si kastaba ha ahaatee, Shacbiga Reer Muqdisho oo iyagu meel fog wax ka eega ayaa waxa ay isla dhex marayaan in Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia uu gabay Hawlihii loo idmaday isla markaana uu gacanta kula jiro Hawlihii loogu talagalay Madaxda dhigiisa ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

About the Author
Author Image