1: Monday, June 3, 2013 - 08:03:37
2: 340 Jeer.

Xabi Alonso Oo Xulka Spain Isaga Haray, Sabab?

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

xabi-alonso-espana

Ciyaaryahanka khadka dhexe eee Real Madrid  iyo xulka Spain Xabi Alonso ayaa ka maqnaan doona xulka Spain ee ka qeyb galaya koobka Confederations Cup dhaawac uu qabao dartiis.

Laacibkii hore ee Liverpool ayaa dhaawacyo la tacaalayey waqtiyadii dambe, waxaana uu ka maqnaa kulankii ugu danbeysay ee La Liga ee kooxdiisa Real Madrid 4-2 kaga adkaadeen kooxda Ossosuna todobaadkan horaantiisii.

Tababaraha Xulka Spain Vicente del Bosque ayaa sheegay in kubad bur buriyaha xulka Spain Xabi Alonso uusan ka mid aheyn xidigaha ka qeyb galaya koobka Confederations Cup oo dhawaan lagu wado inuu ka furo dalka Brazil

Xabi Alonso oo dhaawac ah iyo Benat oo Real Betis u ciyaara iyo ciyaaryahanka Manchester City Javi Garcia ayaana waayay booskooda ka dib markii ay qeyb ka ahaayeen 26kii ciyaaryahan ee uu hore u sii magacaabay macalinka Spain.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed