2: 889 Jeer.
Weriye mug leh oo ku geeriyooday Magaallada Muqdisho.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Alle ha u naxariistee waxaa Magaallada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia ku geeriyooda Weriye Xasan Maxamed Ismaaciil oo ku magac dheer (Xasan Kuuriya).
Weriyaha ayaa waxa uu ku geeriyooday Biyaha Badda xili uu halkaasi dabaal u tagay, iyadoona xilli dambe laga war helay Geerida Weriyaha.
Marxuum Xasan Maxamed Ismaaciil oo hadda maydkiisa laga soo saaray badda ayaa sida uu mid kamid ah Reerkiisa u xaqiiyay Shabakadda Soomaalidamaanta ayaa waxa uu sheegay in la aasi doono maalinta bari ah.
Marxuumka ayaa waxa uu ifka kaga tagay Xaas iyo Caruur, waxaanu ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu firfircoon Magaallada Muqdisho hayeeshee ay halkaasi ku soo idlaatay Ajashiisa.
Ugu dambeyntii, Wariye Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud) oo walaal la ahaa wariyaha maanta geeriyooday ayaa sheegay in 2-dii duhurnimo uu Xasan ka tagay Xaafada si uu uga soo dabaasho Xeebta Liido uu inta badan Jimcihii aadi jiray balse qadartu ku haleeshay uuna ku geeriyooday maanta Biyaha badda.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨