1: Friday, July 5, 2013 - 19:25:32
2: 561 Jeer.

Wayne Rooney iib ma’ahan ,David Moyes oo ka hadlay mustaqbalka Rooney

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

moyes 356873-1AAD9DA5000005DC-566_964x366
Macalinka cusub ee kooxda Man United David Moyes ayaa si cad usheegay in aan la iibin doonin Wayne Rooney.

Hogaamiyaha cusub ee Old Trafford ayaa ka soo hor muuqday saxaafada tan iyo markii uu shaqada ka badalay Alex Ferguson labo bilood ka hor.

Moyes ayaa joojiyay warka hawada ku jira ee Rooney kaas oo la sheegay in uu Ferguson ka codsaday in uu iibiyo.

“Wayne Rooney iib ma ahan , waa ciyaariyahan Man United ah , waxaa uu baaqi ku sii ahaan doonaa Man United.

“Waa uu wanaagsan yahay , waxaan garanayay Rooney ilaa 16 jirkiisii ayuu yiri David Moyes.

“Waxaan kulanay dhowr jeer , tababarka ayuu si fiican uqadanaya , waa uu soo laabatay , waxaan xaqiiqdii egaya in aan wada shaqeyno.

“Waan hadalnay dhowr jeer , wixii dhacay waa dhaceen hada Rooney waxaa uu ku faraxsan yahay xaaladan.

“Ma,aqaano wixii dhex maray isaga iyo Ferguson taasna waa waqti la soo dhaafay .

“Rooney waxaa uu ka mid yahay halyeyada United sida George Best, Bobby Charlton, Roy Keane iyo qaar kale.

Rooney ayaa bartilmaameed u ahaa kooxaha Chelsea ,Arsenal iyo Barcelona laakiin arinta ayaa umuuqata mid soo idlaatay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed