Waxaa la aqristay: 392 Jeer.
Wax walba oo aad ugu baahantahay guulaha Man United tartamada oo dhan tan iyo sanadkii 2005 uu iibsaday Malcolm Glazer
Waxaa Qoray: Mohamed Jowhar

Madaxweyninii Manchester United Malcolm Glazer ayaa ku dhintay da’da 85 Arbacadii maalintii shalay.
Waxaa uu kooxda la wareegay sanadkii 2005-tii,waxaana mudadaas ay qaaday Man United sagaal koob oo weyn.
Cristiano Ronaldo ayuu ka helay iibintiisa lacagihii ugu badnaa sanadkii 2009 oo Real Madrid uu ugu iibiyay £80million.
Van Persie ayuu lacago dhan £24milyan ugu soo iibiyay kooxda Arsenal 2012 .
Eeg tan iyo 2005-tii inta uu Madaxweynaha kooxdan uu hayay guulaha ay ka gaartay tartan waliba.
342 kulan oo Premier league ay ciyaartay Man United waxaa ay badisay 233,waxaa laga badiyay 52 halka 57 bar baro ay gashay.
91 kulan oo ay ciyaartay Champions league Man United waxaa ay badisay 51, waxaa laga badiyay 16 halka ay bar baro gashay 24.
36 kulan FA Cup oo ay ciyaartay 22 waa ay badisay,siddeed waa laga badiyay lixna bar baro.
34 kulan oo League Cup , Carling Cup ama Capital one Cup waxaa ay badisay 24 ayey badisay,labo bar baro sideedna waa laga badiyay.
Guud ahaan tan iyo bishii June 2005 oo kooxdan uu la wareegay maalqabeenka Mareykanka ee geeriyooday,waxaa ay ciyaartay iskudar tartamada oo dhan 516 kulan waxaa ay badisay 336 jeer,92 bar baro halka 88 jeerna laga badiyay.
Waxaa ay dhalisay iskudar mudadaas 1014 gool waxaa laga dhaliyay 451 gool.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨