1: Sunday, June 16, 2013 - 08:48:26
2: 414 Jeer.

Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Spain vs Uruguay- La Celeste waligeed kama badin La Roja

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

sp vs ur
Xulka La Celeste ama Uruguay hadba sidaad utaqaano ayaa kulanka ugu horeya ee Group B cawa wajihi doona xulka aduunka iyo xulka yurub ee Spain.

Uruguay waligeed kama badin Spain lix jeer oo ay hore uciyaareen .

Gool hayaha kooxda Barcelona Victor Valdes ayaa laga yaabaa in uu ku soo bilawdo kulanka cawa ee Uruguay iyo Spain ee ka dhici doona Arena Pernambuco.

Kabtanka xulka Spain Iker Casillas ayaa ciyaaray kulamadii saaxibtinimada ee Haiti iyo the Republic of Ireland ee asbucii la soo dhaafay ,laakiin kooxdiisa ayuu keyd ka ahaa xagagan.

Tababare Vicente del Bosque ayaa ka fakaraya cidii weerar ahaan uu udooqan lahaa David Villa iyo Fernando Torres ,xili Cesc Fabregas uu yahay weerar been ah oo lagu soo bilabi doono.

Weeraryahanka Uruguay Luis Suarez ayaa diyaar u ah kulankaan kadib markii uu ganax ku seegay kulankii Venezuela ee is reeb reebka koobka aduunka.

Tababaraha Uruguay , Oscar Tabarez ayaa diyaar u ah in uu weerarka ku soo wada bilaabo Suarez, Diego Forlan iyo Edinson Cavani.

Spain ayaan laga adkaan 22-kii kulan udambeysay tartamada oo dhan ,waxaana ay badiyeen 15 ka mid ah.

La Roja waligeed qasaaro kalama kulmin Uruguay ,waxaana lix jeer oo ay is arkeen ay adkatay sadex halka ay sadexna bar bar dhac noqdeen.

Spain ayaa markii labaad ka qeyb qadaneysa Confederations Cup, markii ugu horeysay waxa ay aheyd 2009-kii waxaana ay ku dhameysteen booska sadexaad.

Xulka qaaday Copa America ee Uruguay ayaa 3-1 lagu qaarjiyay kulankii ugu dambeeyay oo ay la ciyaareen Spain waxaana aheyd ciyaar saaxibtinimo oo bishii February ka dhacay wadanka Qatar.

Luis Suarez ayaa ah ninka ugu goolasha badan is reeb reebka koobka aduunka xidigaha wadankiisa waxaana uu dhaliyay 8 gool.

Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilaabo kulankan

SPAIN

Valdes
Arbeloa, Pique, Ramos, Alba
Xavi, Busquets, Iniesta
Pedro, Villa, Mata

URUGUAY

Muslera
M Pereira, Lugano, Godin, Caceres
Perez, Gargano, A Pereira
Cavani, Forlan, Suarez

Ciyaartan waxaa bariga Africa laga daawan doonaa caawa 1:00

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed