1: Friday, May 17, 2013 - 07:01:57
2: 267 Jeer.

Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee final-ka Copa del Rey Real Madrid-vs-Atletico Madrid

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

Final Copa del Rey 2013 Real Madrid VS Atletico Madrid
Koobka labaad ee ugu miisaanka culus gudaha wadanka Spain ee Copa del Rey ayaa caawa la soo xiri doonaa sheekadiisa.

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid oo ka wada dhisan caasimada Spain ayaa ku dagaalamaya Final-ka .

Garoonka Santiago Bernabéu ee magaalada Madrid ayaa marti qaadi doona ciyaartan ,laakiin Madrid sidii garoonkeeda uma maamulan doonto oo ku raasta waa la qeybssan doona .

Real Madrid daafaceeda Raphael Varane ayaa seegi doona ciyaarta cawa kadib markii uu ku dhawacmay kulankii bar bar dhaca ku dhamaday ee Espanyol dhamadkii asbuucii hore.

Alvaro Arbeloa ,Sergio Ramos, Marcelo iyo Mesut Ozil oo dhaawacyo qabay ayaa dhamaantood lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan ciyaarta caawa.

Pepe oo muran uu kala dhaxeeyo tababare Jose Mourinho iyo goolhaye Ikier Casillas ayaa qeyb ka ah kooxda .

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Mario Suarez ayaa mudo kadib cawa usoo laabanaya kooxdiisa.

Tababare Diego Simeone ayaan wax dhaawaca dareemeyn ka hor kulanka caawa ee Madrid Derby.

MALA SOCOTAA ?

Real Madrid ayaa dooneysa iney hesho hal koob sanadkaan kadib markii ay seegeen horyaalka iyo Champions League .

Marka laga tago final-ka ciyaartani waa mid darbi ah ,tiiyoo ay jirto in 9 jeer oo ay Attletico qaaday koobkan ay ugu badnaan ku qaaday Santiago Bernabéu.

Real Madrid ayaa adkaatay 4 ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan .

Kooxda cad cadka ayaa ah kooxda kaliya ee shanta horyaal ee ugu waa weyn yurub ee aan gurigeeda looga adkaan xagaagan 28 jeer oo ay ku ciyaareen gurigooda ,iyagoo badiyay 23 jeer ,halka 5 kulan ay bar bar dhac la yimaadeen.

Cristiano Ronaldo ayaa 8 gool ka dhaliyay kooxda Atteltico Madrid ,tan iyo markii uu yimid Spain.

Atteltico Madrid ayaan ka adkaan dhigeen Real Madrid tan iyo 1999-kii ,

Xidigaha lagayaabo in lagu soo bilaabo ciyaartan

REAL MADRID

López
Essien • Albiol • Ramos • Coentrão
Khedira • Alonso
María • Özil • Ronaldo
Benzema

ATLETICO MADRID

Courtois
Juanfran • Miranda • Godín • Luis
Koke • Gabi • Suárez • Turan
Falcao • Costa

Garoonka: Santiago Bernabéu — Madrid

Garsooraha:‬ Carlos Clos‎

Saacada geeska afrika ee ciyaartan: 10:30

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed