2: 276 Jeer.
Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Brazil vs Uruguay
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Xulka Brazil ayaa doonaya in markii sadexaad oo xiriir ah uu qaado koobka qaaradaha , waxaana caawa ay wajahayan horyaalka America ee Uruguay.
Daafaca Brazil , David Luiz ayaa la heli karaa kulanka caawa kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii Italy.
Xidiga khadka dhexe ee Paulinho ayaa ku soo laaban doona safka hore ee Brazil kadib markii uu dhaawac ku seegay kulankii Italy.
Kabtanka xulka Uruguay Diego Lugano ayaa dib ugu soo laabanaya xulkiisa kadib markii uu hal kulan oo ganaxa uga maqnaa ciyaartii Tahiti.
Andres Scotti aya ka maqnaan doona xulka Uruguay kadib markii casaan loo taagay kulankii Tahiti.
Tabababaraha xulka Uruguay, Oscar Tabarez ayaa doonaya in uu wada jir uso galiyo Luis Suarez, Diego Forlan iyo Edinson Cavani inkastoo Abel Hernandez uu 4 gool dhaliyay kulankii Tahiti.
Brazil ayaa adkaaday 4 ka mid ah 9-kii ciyaarood ee ugu dambeysay.
Xulka Selecao ayaa ka adkaaday Uruguay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay koobab isku arkan waxaana ku jirta 4-0 oo ay kaga badiyeen is reeb reebkii koobka aduunka bishii June 2009-kii.
Macalinka Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa xasuusan doona caawa in kulankiisii ugu horeeyay ee uu qabto xulka Brazil ay 1-0 ku garacday Uruguay, bishii July 2001.
Uruguay ayaa adkaaday 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaartay.
63 sano ayaa laga jooga markii Uruguay ay 2-1 Brazil uga qaaday koobkii aduunka 1950, markas oo Brazil ay marti galisay balse ay final-kii Uruguay garacday.
Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilaabo
BRAZIL
César
Alves • Silva • Luiz • Marcelo
Gustavo • Paulinho
Hulk • Oscar • Neymar
Fred
URUGUAY
Muslera
Pereira • Lugano • Godín • Cáceres
González • Gargano • Pérez
Forlán • Suárez
Cavani
Ciyaartaan waxaa bariga afrika laga dawan doona caawa 10:00
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨