1: Sunday, June 2, 2013 - 12:22:46
2: 364 Jeer.

Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Brazil vs England

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

England v Brazil - International Friendly-1590661
Xulka Three Lions lagu naaneyso ee Ingriiska ayaa doonaya guushii labaad oo xiriir ah in ay ka gaaraan xulka Selecao lagu naaneyso ee Brazil.

Labo gool oo ka timid Wayne Rooney iyo Frank Lampard ayaa England uxaqiijisay in ay Brazil ku garacaan Wembley bishii February ee sanadkaan.

Sadexda nin ee Premier League fadhigoodu yahay ee David Luiz, Oscar iyo Julio Cesar ayaa rajeynaya in ay ku soo bilawdaan ciyaartan.

England ayaa dareemeysa dhibaato xaga weerarka ah xili Daniel Sturridge uu dhawacmay kulankii Republic of Ireland tiiyoo aanu wali caafimad qabin Danny Welbeck.

Mala socotaa?

Booqashadii ugu dambeysay ee England booqato garoonka caanka ah ee Maracana waxaa aheyd 1984-tii ,England ayaana ku badisay 2-0 kulankii caanka noqday kadib labo gool oo ka timid John Barnes iyo Mark Hateley.

Neymar oo 21 jir ah xiligaan ayaa hogaaminaya gool dhallinta xidigaha Brazil ee xiligaan isagoo dhaliyay 20 gool.

Halyeygii hore ee wadanka Brazil , Ronaldo ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee caalami ah ka dhaliyay England ,ciyaar ku dhamatay 3-1 oo ka dhacday garoonka Wembley sanadkii 1995.

England ayaa adkaaday ciyaartii ugu dambeysay ee labadaan wadan ,laakiin ha iloobin waxa ay aheyd gushoodii ugu horeysay mudo 20 sano ah.

Wayne Rooney ayaa udhaliyay 7 gool xulka Three Lions-ka sideedii kulan ee ugu dambeysay.

Ciyaarta caawa ayaa dib loogu furi doonaa garoonka caanka ah ee Maracana ,hana iloobin in 2007-dii ay ciyaareen kulankii dib loogu furay garoonka Wembley.

Brazil ayaa gool dhalineysay ciyaar walba 9-kii kulan ee ugu dambeysay ee labadan wadan.

Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilaabo ciyaartan

BRAZIL

Cesar
Alves, Thiago Silva, David Luiz, Marcelo
Fernando, Paulinho
Neymar, Oscar, Moura
Fred

ENGLAND

Hart
Johnson, Cahill Jagielka, Cole
Carrick, Milner
Oxlade-Camberlain, Lampard, Walcott
Rooney

Ciyaartaan waxaa bariga Afrika laga daawan doonaa caawa 10:00

Qaiinkii : Alex Young

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed