2: 610 Jeer.
Wax walba oo aad uga baahan tahay final-ka Champions League ee caawa – Borussia Dortmund vs Bayern Munich
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Caawa ayaa la soo af jari doonaa saxaada koobka horyaalada yurub, kadib mudo 10 bilood ah oo uu koobkan socday.
Labada koox ee Bayer Munich iyo Borussia Dortmund ayaa ciyaari doona final-ka koobka ugu xiisaha badan qaarada yurub.
Labadan koox ayaa dhaar ka bad badis ah isku jeediyay ciyaarta ka hor ,laakiin waxan dhaarta natiijadeeda udeynay 90 daqiiqo ee Wembley ama hadii loo baahdo waqti dheraad ah.
Messi-ga horyaalka Jarmalka Mario Gotze ayaa ka maqnaan doona ciyaartan taas oo dhabar jab ku ah kooxda Borussia Dortmund.
Tababare Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu kooxdiisa koowaad ku soo daro 20-jirka Kevin Grosskreutz halka ninka dhaqaaqa badan ee Marco Reus uu caawin doono Robert Lewandowski.
Xidigaha Lukasz Piszczek iyo Mats Hummels ayaa ka soo kabsaday dhawacyo yar yar oo ay qabeen ,waxaana la rijeynaya in ay ku soo bilawdaan ciyartan.
Holger Badstuber ayaa seegi doona ciyaartan halka Dante uu xooga xanun qaba laakiin waxaa diyaar ah Daniel Van Buyten iyo Jerome Boateng oo daafaca dhexe ka ciyaara.
Toni Kroos ayaa seegi doona ciyaartan taas oo ka dhigan in wali uu boos joogto ah heli doono Arjen Robben ,waxaa sidoo kale tababare Jupp Heynckes uu ka fakaraya cidii uu weerarka ku soo bilaabi lahaa Mario Mandzukic, iyo Mario Gomez.
MALA SOCOTAA?
Borussia Dortmund ayaa hanatay Champions League hal mar oo hore markaas oo ay 3-1 kaga qaadeen kooxda Juventus 1997-dii.
Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa 5-2 ku xaaqday Bayern Munich ,final-kii koobka DFB-Pokal ee xagagii hore ,waxaana hat trick ka dhaliyay Robert Lewandowski.
Mats Hummels ayaa ku biiray Borussia Dortmund isagoo ka yimid Bayer Munich 2009-kii.
Xidiga dhaawaca ku maqan ee Mario Gotze ayaa laga iibiyay Munich ,waxaana uu ku biiri doona marka uu dhamaado xagagan.
Bayer Munich ayaa dooneysa in ay markii 5 aad qaado koobkan waxaana ay la midoobi doonta Liverpool oo iyaduna 5 jeer heysta ,laakiin waxaa wali ka horeyn doona AC Milan iyo Real Madrid.
Bayer Munich ayaa laga qaaday labo ka mid ah sadexdii sano ee ugu dambeysay koobkan ,waxaana ka qaaday Inter iyo Chelsea.
Kulankii ugu dambeeyay ee labadaan koox ayaa ku dhamaaday bar bardhac 1-1.
Waligeed labo koox oo jarmal ah kuma kulmin Final-ka Champions League, laakiin Eintracht Frankfurt iyo Borussia Monchengladbach oo labadu jarmal ah ayaa ku kulmay final-kii UEFA Cup 1980-kii.
Xidiga labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilabo ciyaartan
BORUSSIA DORTMUND
Weidenfeller
Piszczek • Subotić • Hummels • Schmelzer
Gündogan • Bender
Błaszczykowski • Reus • Großkreutz
Lewandowski
BAYERN MUNICH
Neuer
Lahm • Buyten • Dante • Alaba
Martínez • Schweinsteiger
Robben • Müller • Ribéry
Mandžukić
Garoonka: Wembley Stadium — London
Garsooraha : N. Rizzoli
Saacada geeska Afrika ee ciyaartan: 9:45
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨