1: Monday, June 9, 2014 - 05:33:15
2: 40 Jeer.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka Gal-mudug oo sheegay in Muqdisho lagu naas-nuujiyo Burcad-badeeda.

Waxaa Qoray:

Iyadoo ay maalmahaani soo badanayeen Eedeymaha DFS ay u jeedineyso Maamulada Gobolka oo lagu eedeynaayo inay la shaqeeyan Burcad-badeeda ayaa waxaa Eedeymo taasi lamid ah iminka Jeediyay Maamulka Gal-mudug.

Max’ed Aadan Qalab xoor oo ah Warsiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka badda ee Maamulka Gal-mudug, ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho laga maal galiyo Kooxaha Burcad badeeda Somalida ee ka qowleysta xebaha Somalia.

Waxa uu sheegay inay baaritaano adag ku sameeyen, wuxuuna Tilmaamay inay usoo baxday in Masuuliyiinta ugu sareysa Burcada ay dagan yihiin Magaalada Muqdisho islamarkaana ay kasoo dhibaan dhaqaalaha iyo hubka ay ku weeraraan Marakiibta isticmaasha xeebaha Somalia.

Max’ed Aadan Qalab xoor ayaa waxa uu DFS ugu baaqay in ay gacanta ku dhigto dadkaas inkasta oo uu san carabaabin magacyadooda.

Haddalka Max’ed Aadan Qalab xoor, ayaa imaanayo iyadoo Doraad Maamulka Gal-mudug uu Garoonka Gaal-kacyo ka amba bixiyay 11-shaaale ah oo mudo kabadan 4-Sano ay gacanta ku hayeen Burcad badeeda Somalida.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨