2: 60 Jeer.
Wasiirka Garsoorka Iyo Dastuurka oo Faah Faahin ka bixiyay guddiga dastuurka oo ay Golaha Wasiirada Magacaabeen
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wasiirka garsoorka iyo dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo maalinimadii shalay ka qeb galayay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Jimco waliba Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay guddiga Madaxa banaan iyo dib u eegista Dastuurka oo ay doraad golaha wasiirada magacaabeen, isagoo sheegay in guddigaasi ay ka soo bixi doonaan howshooda.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dhawaan baarlamaanka ay u gudbinayaan si ay u ansixiyaan markaa kaddibna Madaxweynaha uu wareegto ku soo saari doono magacaabista guddiga, waxaana uu u rajeeyay in howshooda ay ka soo bixi doonaan.
Faarax C/qaadir ayaa waxa uu sheegay xubnaha guddigani in ay horseed ka noqon doonaan sameynta Dastuur uu yeesho dalka, isagoo sheegay in arrimahani horumar lagu gaari karo si dalka 2016-ka ay doorsho xor ah ay ugu dhacdo.
Guddigani ayaa dib u eegis iyo hirgalin ku sameyn doona Dastuurka, waxaana ay horseedi doontaa in dalka uu yeesho Dastuur oo dadka Soomaaliyeed u wada dan ah.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨